9 Quotes by Abdirahman Habane

Abdirahman Habane Quotes By Tag

  • Author Abdirahman Habane
  • Quote

    Aragtidu waa awood aqoon amba-qaadiseed shakhsi astaan kaga noqdo Adduunka ama aaga uu ku noolyahay, taasoo noqota laba mid anfaco hirgasha oo adeegsigeeda loo aayo ama mid hagaasta oo ayaamaha wakhtigu agoon ka dhigaan.

  • Tags
  • Share


  • Author Abdirahman Habane
  • Quote

    Muusigu waa sida riyo-maalmeed micno dareen mug leh u sameeya nolosha daqiiqadaha aynu maqalkooda macaansanayno kaasoo ina muquuransiiya dhex mushaaxista mala'awaalka & musawirashada mustaqbalka maanta ka fiican.

  • Tags
  • Share



  • Author Abdirahman Habane
  • Quote

    Cabsi waa caado filasho taban oo allah dabci ahaan inagu abuuray si aynu u-caabudno aynaan udhaadina xadadka uu inoo cayimay si aynaan u mudan cadaab, ama waa ka hortag is-ilaalin onooga ah cid aynu ka suuraysanayno khatar cadaawadeed.

  • Tags
  • Share

  • Author Abdirahman Habane
  • Quote

    Dulqaadku waa rafiiqa samirka waana waxa dhamaanteen inagu riixa in aynu dhabarka u ridano rafaadka hawsha inoo talaabinaysa biriishka hankeena si aynu u rumayno riyooyinkeena.

  • Tags
  • Share